Sunday, May 31, 2009

Warbixin buuxda oo kusaabsan Shirweynihii Mashruuca Horumarinta Garbo ee ka dhacey South Afrika

Waxaa kadhacay magaalada Johannesburg ee dalka South Africa taariikhdu markay ahayd 24 bishan May shirweynihii guud ee mashruuca horumarinta waxbarashada Garbo. Shirweynahaas oo ahaa mid siweyn loo soo abaabulay oo kasoo qayb galaayasha shirku ay isaga kala yimaadeen dalka South Africa gudihiisa iyo dibadiisaba ayaa wuxuu bilawday 10:00 subaxnimo isagoo socday ilaa 4:30 galabnimo.

Shirka oo uu daadihinay Cabdifataax Sh Maxamed Xikam ayaa ku bilawday aayado Quraan aha oo uu akhriyay Cabdifataax Sh Xassan. Kadibna waxaa xigay wacdi diini aha oo uu soo jeediyay Sh Caaqil Shukri Baaruud. Intaas kadib, waxay kasoo qayb galayaashii shirku dhagaysteen laba warbixin oo ku saabsanayd mashruuca. Warbixinta hore waxaa soo jeediyay gudoomiyaha mashruuca ee dalka South Africa Maxamed Maxamuud Budul, isagoo ka warbixiyay jaaliyadda Garbo ee South Africa iyo kaalinta ay kaga jirto hawlaha mashruucan samafalka aha. Warbixintii xigtay ayaa waxaa soo jeediyay C/raxmaan Yuusuf Macallin Mahdi oo kamid aha hindisayaashii mashruuca ahna gudoomiye kuxigeenka mashruuca ee adduunka oo idil, saldhigiisuna yahay magaalada London ee cariga Ingiriiska.

Cabdiraxmaan ayaa warbixintiisa ku faah faahiyay siday ku bilaabeen mashruuca iyo caqabadihii ka horyimid iyo maanta meesha uu marayo mashruucu. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dabayaaqadii bishii May ee sanadkii 1994 ay ku kulmeen magaalada London isaga, Engineer Cabdiqaadir Cabdulaahi Cali (Burayda) iyo Cabdisalaan Maxamed Cali Jibaax halkaas oo ay saddexdoodu isla falan qeeyeen heerka waxbarasho ee dagmada Garbo iyaga oo is tusay inay muhiim tahay in ubadka reer Garbo ay helaan waxbarasho. Kacaakuf dheer kadib ayaa waxaa si rasmi aha u bilawday sanadkii 2003 qorshahan maanta lagu socdo ee isku xidhan dal iyo dibadba kaas oo leh gudiyo kajira dalalka ay joogaan xubno udhashay degmada Garbo iyada oo dalkasta uu sanadkii bixiyo qaddar lacageed oo ku jaan go’an tabarta dadka dalkaas jooga. Cabdiraxmaan ayaa gabagabadii hadalkiisii dheeraa uga mahad celiyay kaalinta ay ka qaateen mashruucan dadka u dhashay Garbo ee kunool dalkan South Africa, isaga oo sheegay in maanta ubadkooda kunool Garbo ay heli karayaan dhamaan heerarkii iskuul ee hoose, dhexe iyo sareba taasina fadliga ilaahay kasokow ay ku timid isku tashiga dadka udhashay deegaanka ee kunool dalkii iyo dibadiisaba. Gaba gabadii ayaa waxaa lagu asixiyay shirkaas laba gudi. Labadaas gudi oo midi yahay kii South Africa midna kan guud ee ay leeyihiin hawl wadeenada mashruuca ee kukala nool adduunka daafihiisa.

Maamulka cusub ee mashruuca ee dalka South Africa:

Maxamed Maxamuud Budul: Gudoomiye
Sh Caaqil Shukri Baaruud: Gudoomiye kuxigeen
Maxamuud Aadan Xassan Wiyil: Xubin isla markaana ah gudoomiyaha Gauteng ee mashruuca
Barre C/laahi Xassan bogdhig: Xoghayaha Mashruuca ee dalka South Africa
Maxamed Cali Cabdi kaahin: Xubin islamarkaana aha gudoomiyaha gobolka Eastern Cape ee mashruuca

Sidookale waxaa jiray dad odayaal, waxgarad iyo aqoon yahan isugu jiray oo udhashay degmada Garbo oo shirka kaga qayb galay khatka telefoonka iyagoo dhagaystay warbixinadii iyo aragtiyadii goob joogayaasha islamarkaana iyaguna dhiibtay fikradohooda iyagoo siwayn ugu mahad celiyay soo qaban qaabiyayaashii shirka.

Waxay is tuseen kasoo qayb galayaashii shirkani in ay muhiim tahay wixii hadda kadambeeya ardayda kabaxda dugsiga sare ee Garbo iyo dugsiyada kale ee gobolkuba in ay waxbarashadooda jaamacadeed ku helaan isla deegaankooda. Waxayse natiijadii ugu muhiim sanayd ee shirkaas kasoo baxday ahayd in maadaama wajigii hore ee mashruuca ee ku wajahnaa magaalada guul laga gaadhay in wixii hadda kadambeeya laga fikiro sidii waxbarashada loo gaadhsiin lahaa deegaamada kale ee hoos yimaada degmada Garbo. Gebo gebadii shirka ayaa shir gudoomiye Cabdifataax uu uga mahad celiyay kasoo qayb galaayasha sidii wanaagsanayd ee ay uga qayb qaateen geedi socodkii kulanka iyo kamidho dhalintii mashruucan, isaga oo sidookale aad ugu mahad celiyay aas aasayaashii mashruucan gaar ahaan Cabdiraxmaan Yuusuf Macalin Mahdi oo uu ku tilmaamay inuu yahay madaalaha mashruuca isagoo safarkani uu yahay kiisii labaad ee uu ku yimaado dalka isagoo u socda hawlaha mashruucan.

No comments:

Post a Comment