Sunday, May 31, 2009

Warbixin buuxda oo kusaabsan Shirweynihii Mashruuca Horumarinta Garbo ee ka dhacey South Afrika

Waxaa kadhacay magaalada Johannesburg ee dalka South Africa taariikhdu markay ahayd 24 bishan May shirweynihii guud ee mashruuca horumarinta waxbarashada Garbo. Shirweynahaas oo ahaa mid siweyn loo soo abaabulay oo kasoo qayb galaayasha shirku ay isaga kala yimaadeen dalka South Africa gudihiisa iyo dibadiisaba ayaa wuxuu bilawday 10:00 subaxnimo isagoo socday ilaa 4:30 galabnimo.

Shirka oo uu daadihinay Cabdifataax Sh Maxamed Xikam ayaa ku bilawday aayado Quraan aha oo uu akhriyay Cabdifataax Sh Xassan. Kadibna waxaa xigay wacdi diini aha oo uu soo jeediyay Sh Caaqil Shukri Baaruud. Intaas kadib, waxay kasoo qayb galayaashii shirku dhagaysteen laba warbixin oo ku saabsanayd mashruuca. Warbixinta hore waxaa soo jeediyay gudoomiyaha mashruuca ee dalka South Africa Maxamed Maxamuud Budul, isagoo ka warbixiyay jaaliyadda Garbo ee South Africa iyo kaalinta ay kaga jirto hawlaha mashruucan samafalka aha. Warbixintii xigtay ayaa waxaa soo jeediyay C/raxmaan Yuusuf Macallin Mahdi oo kamid aha hindisayaashii mashruuca ahna gudoomiye kuxigeenka mashruuca ee adduunka oo idil, saldhigiisuna yahay magaalada London ee cariga Ingiriiska.

Cabdiraxmaan ayaa warbixintiisa ku faah faahiyay siday ku bilaabeen mashruuca iyo caqabadihii ka horyimid iyo maanta meesha uu marayo mashruucu. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dabayaaqadii bishii May ee sanadkii 1994 ay ku kulmeen magaalada London isaga, Engineer Cabdiqaadir Cabdulaahi Cali (Burayda) iyo Cabdisalaan Maxamed Cali Jibaax halkaas oo ay saddexdoodu isla falan qeeyeen heerka waxbarasho ee dagmada Garbo iyaga oo is tusay inay muhiim tahay in ubadka reer Garbo ay helaan waxbarasho. Kacaakuf dheer kadib ayaa waxaa si rasmi aha u bilawday sanadkii 2003 qorshahan maanta lagu socdo ee isku xidhan dal iyo dibadba kaas oo leh gudiyo kajira dalalka ay joogaan xubno udhashay degmada Garbo iyada oo dalkasta uu sanadkii bixiyo qaddar lacageed oo ku jaan go’an tabarta dadka dalkaas jooga. Cabdiraxmaan ayaa gabagabadii hadalkiisii dheeraa uga mahad celiyay kaalinta ay ka qaateen mashruucan dadka u dhashay Garbo ee kunool dalkan South Africa, isaga oo sheegay in maanta ubadkooda kunool Garbo ay heli karayaan dhamaan heerarkii iskuul ee hoose, dhexe iyo sareba taasina fadliga ilaahay kasokow ay ku timid isku tashiga dadka udhashay deegaanka ee kunool dalkii iyo dibadiisaba. Gaba gabadii ayaa waxaa lagu asixiyay shirkaas laba gudi. Labadaas gudi oo midi yahay kii South Africa midna kan guud ee ay leeyihiin hawl wadeenada mashruuca ee kukala nool adduunka daafihiisa.

Maamulka cusub ee mashruuca ee dalka South Africa:

Maxamed Maxamuud Budul: Gudoomiye
Sh Caaqil Shukri Baaruud: Gudoomiye kuxigeen
Maxamuud Aadan Xassan Wiyil: Xubin isla markaana ah gudoomiyaha Gauteng ee mashruuca
Barre C/laahi Xassan bogdhig: Xoghayaha Mashruuca ee dalka South Africa
Maxamed Cali Cabdi kaahin: Xubin islamarkaana aha gudoomiyaha gobolka Eastern Cape ee mashruuca

Sidookale waxaa jiray dad odayaal, waxgarad iyo aqoon yahan isugu jiray oo udhashay degmada Garbo oo shirka kaga qayb galay khatka telefoonka iyagoo dhagaystay warbixinadii iyo aragtiyadii goob joogayaasha islamarkaana iyaguna dhiibtay fikradohooda iyagoo siwayn ugu mahad celiyay soo qaban qaabiyayaashii shirka.

Waxay is tuseen kasoo qayb galayaashii shirkani in ay muhiim tahay wixii hadda kadambeeya ardayda kabaxda dugsiga sare ee Garbo iyo dugsiyada kale ee gobolkuba in ay waxbarashadooda jaamacadeed ku helaan isla deegaankooda. Waxayse natiijadii ugu muhiim sanayd ee shirkaas kasoo baxday ahayd in maadaama wajigii hore ee mashruuca ee ku wajahnaa magaalada guul laga gaadhay in wixii hadda kadambeeya laga fikiro sidii waxbarashada loo gaadhsiin lahaa deegaamada kale ee hoos yimaada degmada Garbo. Gebo gebadii shirka ayaa shir gudoomiye Cabdifataax uu uga mahad celiyay kasoo qayb galaayasha sidii wanaagsanayd ee ay uga qayb qaateen geedi socodkii kulanka iyo kamidho dhalintii mashruucan, isaga oo sidookale aad ugu mahad celiyay aas aasayaashii mashruucan gaar ahaan Cabdiraxmaan Yuusuf Macalin Mahdi oo uu ku tilmaamay inuu yahay madaalaha mashruuca isagoo safarkani uu yahay kiisii labaad ee uu ku yimaado dalka isagoo u socda hawlaha mashruucan.

Monday, May 25, 2009

Sheekh Ibraahim Dheere oo Ethiopia ku eedeeyey iney shideyso dhibaatada ka aloosan Soomaaliya

Sheekh Ibraahim Dheere guddoomiyaha ururka MJXSG oo wareysi dheer siiyey Telefeshinka Aljazeera siiyey ayuu ku weeraray dawladda Ethiopia isagoo sheegey in dawladda Ethiopia ay ka danbeyso dhibaatada ka aloosan dalka Soomaaliya isaoo dhanka kalena sheegey in ciidamadiisu ay kuwa Ethiopia ku weerareen gudaha Soomaaliya waxyeelana u geysteen.

Sheekh Ibraahim ayaa wareysigan ku sheegey in weerarka ay Ethiopia ay kusoo laabatey ee ay ku timid Soomaaliya ay tahay xal u raadin arimaha murugsan ee dalka Ethiopia iyo in ciidamada dalka loo jiheeyo meelo ka baxsan dalka. Sheekh Ibraahim ayaa farta ku fiiqay isku daygii Afganbigii fashilmey ee ciidamada Ethiopia ay ku qaadeen Zenaawi.

Sheekha ayaa ku amaaney umadda Soomaaliyeed cashirkii ay udhigeen ciidamada Tigreega oo sida qasabka ah looga soo saarey dalka Soomaaliya waxuuna sidoo kale dhiiri galiyey in umadda Soomaaliyeed ay umidoobaan iska dhicinta cadawga Soomaaliyeed ee Ethiopia iyaguna gacmaha isqabsadaan.

Hadalka Sheekh Ibraahim ayaa kusoo aadey xilli ciidamada Ethiopia ay kusugan yihiin gudaha Soomaaliya iyadoo dhanka kalena ay ciidamo badan oo ka tirsan ciidanka MJXG ay kusuganyihiin gudaha waddanka Ogaadeenya

Saturday, May 23, 2009

Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya, ayaa weerar ku qaaday fariisimo ay joogeen mucaaradka, waxaa dagaalkaasi ku dhintay 31 qof waxaana ku dhaawacmay 179.
Dhinacyada ku lug leh dagaalka ee dowladda ku meelgaarka ah iyo xoogaga ka soo horjeeda, ayaa guulo ka kala sheeganaya dagaalka.
Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Cabdi Gaandi, oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in dowladdu ay go'aansatay in ay difaacdo dadkeeda, sidaa darteedna ay bilowday howlgal amniga lagu sugayo.
Wuxuu xuso in howlgalkan uu socon doono inta laga gaarayo ujeedada laga leeyahay.
Wasiirku wuxuu sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalka, oo ay ciidamada dowladu hadda joogaan goobo aysan horay u joogin oo cusub.
Dhinaca kale, afhayeenka Xisbul Islaam, Muuse Arale, ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada dowladda ku meelgaarka oo saaka weerar ballaaran soo qaaday ay iska caabiyeen, ayna dib uga saareen goobihii ay saaka soo galeen.

Tigreega oo go aansadey iney Qixyaan shacabka Dalaad kana xasuuqey 4 ruux

Wararka naga soo gaadhaya gobolka Qoraxeya ayaa sheegaya in tuulada Dalaad ay qarka u saarantahay in gabi ahaanba laga qaxo kadib markii ay soo noqnoqatey in ciidamada Tigreegu ay gumaadaan shacabka daggan halkaas. Dalaad oo ku taalla jidka dheer ee isku xidha Qabridahare iyo magaalada Dhanaan iyo Godey.Ciidamada Tigreega ayaa magaalada Dalaad ka kaxaystey 4 ruux oo aan labo kamid ah helney magacyadooda midkmid ahina ay tahay Dumar. Labada aan magacooda hayno ayaa kala ah: Cabdi Gujis iyo Gabadha oo naloogu sheegey Ina Xarbi C/Salaan. Dadkan waxay ciidamada Tigreegu ku eedeeyeen iney ONLF taageeraan middaas oo ah marmarsiinyo aan dhamaan laguna gumaado shacabka.Dalaad oo ku taalla meel aaad haboon lehna ceel biyo bidan kuna haboon nolosha miyiga iyo magaaladaba ayaa waxaa hadda laga cabsi qabaa in dadweynaha daggan ay dhamaantood ka qaxaan oo ay ka guuraan magaalada. Ciidamada Tigreega ayaa hadda ka hor Afar ruux ka kaxeystey magaalada isla markaana dhamaantood gawracey taasoo dadweynaha ku beertey cabsi aad u balaadhan.Tuulooyinka Laasdharkeynle, Alloqod, Kabtinaag iyo Danbarweyne oo dhamaantood ku yaalla jidka dheer ayaa lagawada qaxey kadib markii ay ciidamada Tigreegu ka geysteen gaboodyadan oo kale. Tallaabada kusoo noqnootey Dalaad ayaa ku qasbeysa shacabku iney u kala qaxaan Qabridahare iyo baadiyaha.

Xaalada Magaalada Muqdisho oo Degan Saaka kadib dagaal dad badan ku dhinteen oo shalay ka dhacay

Waxaa saaka degan Xaalada guud ee Magaalada Muqdisho kaidb dagaalo qaaraar oo shalay ku dhexmaray Dowlada iyo dhinacyada ka soo horjeeda inkastoo ciidamadii wali is hor fadhiyaan meelaha qaarna ay ka socdaan xabado goos goos ah.
Saaka waxaa sidoo kale dib u bilwoday isku socodkii gaadiidka iyo dadka oo shalay ku xiray dagaaladii dhacay gaar ahaan wadada wadnaha iyadoo awalba roobabkii Xamar ka da’ay wadooyinka qaar u xirmeen.
Iyadoo khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay uu yahay mid saacadba saacada ka danbeysa isa soo tareysa ayaa ilaa hada waxaa la xaqiijiyay in dadka ku geeriyooday dagaaladii shalay ay kor u dhaafeen 40 qofood halka dhawuxuna ka badan yahay 200 qofood.
Si kastaba ma jirto wax waan waan ah oo laga dhex wado dhinacyada ku dagaalamaya Magaala Muqdisho iyadoo madaxda dhinacyada dagaalamayana ay warbaahinta ka sheegaan kaliya inay dagaaladu sii socon doonaan inta ay dhanka kale kaga saarayaan Magaalada Muqdisho taasoo ka dhigeysa in xaaladu dagaal uun ay tahay.